Dagaal ka socda deegaanka Biya Cadde ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Wararka ka imaanaya  gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegaya in  deegaanka Biyo cadde  uu ka socda dagaal u dhaxeeya ciidanka Dowladda iyo kooxda Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalamayaal katirsan Shabaab ay weerar ku soo qadeen fariisimo ay ciidanka dowladda ku lee yihiin deegaanka Biyo cadde. waxaana la maqlaya dhawaaqa rasaasta ay labada dhinac isku adeegsanayaan.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka, ayaa sheegaya  in xaalada ay kacsan tahay, isla markaana ay dareemayaan cabsi madaama dagaalka uu yahay mid xooggan.

Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhasahy dagaalka, madaama dagaalka uu weli ka socdo deegaanka Biyo Cadde ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa saacadihii u dambeeyay xoogga saarayay abaabulka ciidamadaan Federaalka iyo Kuwa deegaanka ee Macawiisleyda si loo xoojiyo howlgallada ka dhanka ah ‘Al-shabaab’ ee ka socda Hir-Shabeelle.

Al-shabaab ayaa maalmihii ugu dambeeyay weerar ku qaadayay saldhigyada cioidamada xoogga ay ku leeyihiin deegaanada ka tirsan gobolka Shabeelada Dhexe.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Janan oo Baladxaawo tagay, heshiiskii Nairobi iyo wareejinta xerada UK oo la qorsheeyay

Wararka laga helayo G/Gedo ayaa sheegaya in Cabdirashiid Janan...

Shiinaha oo digniin u diray Somaliland kadib xiriirka Taiwan

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay...

Mareykanka oo soo jeediyay in xafiiska Q.M ee UNSOS hal sano oo dheeraad ah lagu kordhiyo

Dowladda Mareykanka ayaa soo jeedisay in Xafiiska Taageerada Qaramada...

Fadhigii Golaha Shacabka oo maanta Baaqday

Waxaa maanta baaqday fadhiga ay yeelan lahaayeen xildhibaanada Golaha...

DFS oo sheegtay inay burburisay shabakado ka tirsan Al-Shabaab

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles