Saturday, August 8, 2026

Xildhibaanada oo maanta dood ka yeeshay mooshin ku saabsan ilaalinta Xasaanada iyo safarada Xildhibaanada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka  Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka guud ee Golaha Shacabka oo ah kalfadhiga lixaad kulankiisa labaad.

Ajendaha kulanka ee maanta ayaa waxa uu ahaa akhrinta sedaxaad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, waxaana Guddiga Cadaaladda, Garsoorka, Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka uu xildhibaanada ka codsaday in dib loogu dhigo akhrinta 3-aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedkan si ay usoo dhameystiraan arrimo farsamo oo hindise sharciyeedkan la xiriira.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa fadhiga ka sheegay in guddoonka uu soo gaaray mooshin ama soo jeedin ay soo gudbiyeen Xildhibaano ka tirsan Golaha kaasoo oo ku saabsan ilaalinta Xasaanada iyo safarada Xildhibaanada.

Xildhibaanada oo cod gacan taag ah ku ogolaaday in ajendaha la xiriirta mooshinkaas lagu daro ajendaha maanta ayaa ka dooday sida ay muhiim u tahay in la ilaaliyo xasaanada Xildhibaanada, safarada ay ku tagayaan deegaan doorashadooda iyo inaan lagu xadgudbin.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dooda ay sii socon doonto isla markaana xildhibaanada haray ay aragtidooda dhiiban doonaan kulanka xiga.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo qeybiyay Hindise Sharciyeedka Daawada, Hindise Sharciyeedka Shirkadaha Ceymiska iyo Heshiisyada u dhaxeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ku saabsan Iskaashiga Caalamiga ah ee Garsoorka.

WARARKII KALE

Imaaraadka oo sheegay in Iran gantaal ku dhufatay markab ay lahaayeen

Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in markab...

Puntland oo sheegtay in ay la wareegtay xero ciidan oo ku taalla Carmo

Maamulka Puntland ayaa sheegay in maanta ay ‘si rasmi...

Deni oo gaaray Gaalkacyo kadib markii uu ka adkaaday Ciidankii PSF

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo...

Ciidamo cusub oo ka mid noqonaya Gorgor oo tababar loogu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal...

NISA oo Muqdisho ku qabatay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta...

Booliska Soomaaliland oo war ka soo saaray qaraxii ka dhacay Hargeysa

Xalay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, waxaa ka dhacay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles