Xildhibaano ka tirsan BFS oo DF ku eedeeyay Colaadda Boosaaso

Xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo isku magacaabay “Baarlamaanka Xorta ah” ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray dagaalladii ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso, iyagoo si kulul u cambaareeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraalka ay soo saareen xubnahan oo ka tirsan Baarlamaanka 11-aad ee waqtigiisu dhammaaday ayaa lagu eedeeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya inuu hurinayo colaado iyo xasillooni-darro ka dhacda deegaannada Puntland.

Waxay sidoo kale ku doodeen in Dowladda Federaalka ay ku fashilantay la dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish, isla markaana ay ku lug leedahay kala qaybin iyo abaabul maleeshiyaad ay sheegeen inay khalkhal gelinayaan amniga Puntland.

Xildhibaannadan ayaa dhinaca kale bogaadiyay tallaabooyinka ay qaadeen ciidamada Puntland ee ay ku sheegeen inay uga hortageen waxa ay ugu yeereen qorshayaal ay Villa Somalia ka wadday Puntland.

Ugu dambeyn, waxay ugu baaqeen shacabka Puntland inay muujiyaan feejignaan, isku duubni iyo wadajir si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida deegaannada maamulka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Sacuudiga oo tuhunsan in Imaaraadku door ku lahaa aqoonsiga Israel ee Somaliland

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa, sida lagu sheegay warbixin cusub...

Fiqi “Yaan naxariis loo sameyn cid kasta oo amniga wax u dhimeysa”

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa digniin culus...

RW Xamsa oo ka digay in la siyaasadeeyo amniga Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka digay...

Iran oo shaacisay war ku saabsan marinka Hormuz

Iiraan waxay sheegtay in xal lagu gaaro wada-xaajood oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles