Xisaabiyihii Dowladda Federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Maxamed Annas, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu isagu xilka iska casilay, isagoo xusay in go’aankaasi yahay mid gaar u ahaa.
C/raxmaan Annas ayaa qoraalkiisa ku yiri: “Waxaan si gaar ah u caddeynayaa in go’aanka aan xilka kaga tagay uu yahay mid aniga ii gaar ah, islamarkaana aan u gudbiyey Madaxweynaha 31-kii August 2025, si aan u siiyo waqti ku filan oo lagu diyaariyo kala-guur habsami leh.”
Wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kalsoonidii uu siiyay muddadii uu xilka hayay, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in sababaha uu xilka uga tagay ay yihiin arrimo isaga u gaar ah.
Golaha Wasiirada Soomaaliya oo shir ku yeeshay Muqdisho ayaa si rasmi ah xilka uga qaaday C/raxmaan Maxamed Annas, waxaana bedelkiisa loo magacaabay Maxamed Maxamuud Cabdulle (Maxamed Dheere).


