Xog dheeraad oo laga helay dhalinyaro Soomaali ah oo ku geeriyooday Algeria

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa ku dhowaad 20 dhalinyaro oo muhaajiriin Soomaali ah oo ku geeriyooday badda u dhaxeysa Spain Iyo Algeria.

Dhalinyaradan oo gaaraya ilaa 17 ayaa la sheegay inay geeriyoodeen 17-kii bishan April.

“Waalidiin Soomaaliyeed oo ilmahooda raadinaya ayaa i soo wacay, kadib waxaan tegay labo isbitaal oo u dhow goobta uu shilka ka dhacay,isbitaalki ugu horreeyay hal qof oo dhalinyaro Soomaali ah ayaa talaagada ku jiray, isbitaalka labaadna waxaan kula kulmay 11 rag ah iyo shan gabdhood oo Soomaali ah, ayuu yiri Amb Yuusuf Jeego oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Algeria.

Soomaalidu keliya ma aha ee dad kale oo iyagana ka soo jeeda wadamada Afrika ayaa sidoo kale saarnaa doonta.

Dhalinyaradan ayaa ku geeriyooday gobol la yiraahdo Abu Mardaas oo ka tirsan Algeria.

Lama oga halkii ay ka soo kicitantay doonta qalibantay ito halka lagu aasi doono dhalinyartaas.

Sawirada dhalinyarada geeriyooday waxaa laga heli karaa bogga wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayuu yiri wasiirka.

Wadada u dhaxaysa Waqooyiga Afrika iyo Spain waa mid ka mid ah dhowrka waddo ee ay isticmaalaan dadka soogalootiga ah ee doonaya inay gaaraan Yurub, kuwaas oo inta badan ku safra doomo aad u buux dhaafiyay oo aan u qalmin inay badda maraan.

Mas’uuliyiinta Aljeeriya weli ma aysan soo saarin faahfaahin buuxda oo ku saabsan musiibadii ugu dambeysay, oo ay ku jiraan tirada guud ee rakaabka saarnaa diyaaradda ama sida ay doontu u degtay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo u safray Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Guddiga Doorashada oo aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee laashay doorashadii Galmudug

Guddiga lagu muransanyahay ee doorashada ayaa goordhow ku dhawaaqay...

Itoobiya oo badeshay ciidamadeeda ku sugnaa Baydhabo iyo kuwa cusub oo ay geysay Magaalada

Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay inay beddeshay dhammaan ciidamadii...

Burburin iyo barakac xooggan oo ka socda Buulo Eelay, Muqdisho oo wajahaysa qax

Burburin iyo barakac ayaa xalay saqdii dhexe ka bilowday...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kula kulmay Wasiirka UK u qaabilsan Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Muqdisho kulan kula...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles