Wednesday, March 11, 2026

Xoogagga RSF oo ku dhawaaqay xabad joojin hal dhinac ah

Xoogagga Taageerada Degdega ah ee Sudan, ayaa Isniintii ku dhawaaqay xabbad joojin bini’aadantinimo oo saddex bilood ah, maalin ka dib markii taliyaha ciidamada Sudan Abdel Fattah al-Burhan uu diiday hindise xabbad-joojin caalami ah o la soo bandhigay.

Taliyaha Ciidamada Taageerada Degdegga ah, Maxamed Xamdaan Dagalo, oo loo yaqaan “Hemedti,” ayaa muuqaal la duubay ayaa yiri: “Iyada oo ku saleysan mas’uuliyadda qaran ee naga saaran iyo ka jawaabista dadaallada caalamiga ah, oo ay ugu horreeyaan hindisaha madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dadaallada dalalka afarta ah … waxaan ku dhawaaqeynaa xabbad joojin bini’aadannimo oo ay ku jiraan joojinta colaadaha muddo saddex bilood ah” waxaana ku heshiinnay sameynta habka kormeerka caalamiga ah.

Dagalo ayaa shaaca ka qaaday in xabad joojintan bini’aadantinimo ay ka mid tahay, joojinta colaada, loogana gol leeyahay in lagu difaaco dadka rayidka ah iyo in la xaqiijiyo in gargaar bini’aadantinimo la gaarsiiyo deegaanada ay colaaduhu saameeyeen.

Hadal uu jeediyay oo lagu daabacay baraha bulshada ee Ciidamada Taageerada Degdegga ah, ayuu ku sheegay in tallaabadani ay jawaab u tahay wax uu ku tilmaamay “dadaal caalami ah oo loogu talagalay dadka Suudaan”,

Waxaa uu xaqiijiyay in ciidamadiisa ay ka go’an tahay fududeynta howlaha bini’aadantinimo, iyadoo la xaqiijinayo dhaq-dhaqaaqa shaqaalaha gargaarka, hubinta in si aan caqabad lahayn loo gaaro gargaarka, ilaalinta xarumaha hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa qaranka, iyo awood la siinayo kooxaha caafimaadka si ay u gutaan waajibaadkooda.

12-kii bishii Sebtembar, heshiiska afar geesoodka oo ka kooban Mareykanka, Sacuudi Carabiya, Masar iyo Imaaraadka Carabta, ayaa soo bandhigay qorsheyaal lagu soo afjarayo colaadda Suudaan, taasoo qeexaysa xabbad joojin bani’aadamnimo iyo hannaan siyaasadeed oo horseedaya xukun rayid ah.

Dhanka kale, shalay, taliyaha ciidamada Sudan ayaa soo jeedintii ugu dambeysay ee ay soo bandhigeen Mareykanka iyo dhexdhexaadiyeyaasha gobolka si loo soo afjaro dagaalka sokeeye, ku tilmaamay in ay tahay tii ugu xumeyd ee abid la soo bandhigo.

Muqaal laga duubay Janaraal Abdel Fattah al-Burhan, ayuu ku sheegay in qorshaha xabad joojinta ah ee lala galayo ciidamada taageerada degdegga ah ee RSF, uu baabi’in doono doorka Ciidamada Qalabka Sida, isla markaana u ogolaan doono maleeshiyada inay ku sii sugnaadaan goobahooda.

Taliyaha ciidamada ayaa ku eedeeyay ergayga Mareykanka, Massad Boulos, inuu ku hadlayo afka Imaaraadka Carabta, oo ah mid ka mid ah dhexdhexaadiyeyaasha kale, kaasoo uu ku eedeeyay inay taageeraan RSF.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in Dhammeystirka Dastuurka la kala tashtay siyaasiyinta mucaaradka ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Aadan Cali ayaa sheegay in...

Ciidan cusub oo ku biiray abaabulka ka dhanka ah Lafta gareen

Abaabul iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwo amni ayaa ka...

Dekedda Muqdisho oo ku biirtay ururka caalamiga ah ee dekedaha (IAPH)

Maamulka Dekedda Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in dekeddu si...

Mareykanka iyo Iran yaa soo afjari doono dagaalka ka socda Bariga Dhexe

Dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan ayaa galay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles