Maxamed Isaaq Arbo, oo sida lagu sheegay war kasoo baxay Taliska Saldhigga Booliska Degmada Baydhabo, kasoo goostay kooxda Al-Shabaab, ayaa maanta isku soo dhiibay Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Maxamed ayaa lagu soo gudbiyay Saldhigga Booliska Degmada Baydhabo, kaddib markii uu xiriir la sameeyay Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, Mudane Kalaay, isaga oo muujiyay rabitaankiisa ah inuu ka laabto fikirkii iyo kooxda uu horay uga tirsanaa.
Taliska Saldhigga Booliska Baydhabo ayaa sheegay in Maxamed loo marayo habraacyada sharciga ah, isla markaana la siinayo fursad uu dib ugu laabto bulshada, iyadoo la ilaalinayo xuquuqdiisa.
Booliiska ayaa sidoo kale ugu baaqay xubnaha kale ee Al-Shabaab iyo kuwa loo yaqaan “Shabaab cusub” ama “Darawiishta” ee doonaya inay ka tanaasulaan fikirka xagjirka ah inay qaataan waddada nabadda oo ay isku soo dhiibaan dowladda.
Is-dhiibistan ayaa kusoo beegmaysa xilli Baydhabo iyo duleedkeeda ay ka taagan tahay xaalad amni iyo siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo dowladda ay kordhisay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kooxaha hubeysan ee ka hawlgala nawaaxiga magaalada.
Taliska Booliiska Baydhabo ayaa sheegay in dadka kasoo laabanaya kooxaha hubeysan loo baahan yahay in loo abuuro waddo ay si nabad ah ugu soo laabtaan bulshada, taas oo qeyb ka noqon karta dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Koonfur Galbeed.