Tuesday, January 13, 2026

Xubnaha Golaha deegaanka ee degmooyinka Muqdisho oo la shaaciyay

Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay Magacyada xubnaha ku soo baxay golaha deegaanka ee 16ka Degmo ee doorashooyinkooda ay ka qabsoomeen magaalada Muqdisho 25kii bishii hore.

Urur siyaasadeedka uu hoggaamiyo  Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa helay 177 xubnood Goleyaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir, halka 49 xubnood uu helay Urur siyaasadeedka Towfiiq kaasi oo hoggaamiye ka yahay Sheekh Shaakir Cali Xasan Madaxii Ahlusunada Gobolada dhexe.

Sidoo kale ururka Ramaas ayaa waxay heleen Tirada Saddexaad ee ugu badnaa kaasi oo 42 xubnood ka helay doorashooyinka dhacay.

Xubnaha la shaaciyay 390 xildhibaan deegaan ah ayaa waxaa la sheegay in 291 ka mid ah ay rag yihiin, halka dumarka ay heleen 99 xuxubnood.

Shaacinta magacyada ayaa ku soo aadaysa, xilli maalmaha soo socdo la filayo in xubnahaan ay degma waliba u doortaan Guddoomiye, ku xigeeno iyo xoghayeyaal.

 

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Wafdi Sare oo ka Socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood, Caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari

Wafdi heer wasiir ah oo ka socda Dowladda Federaalka...

DFS oo sheegtay in xubno ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay...

Jubbaland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka...

Somaliland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u diiday sheegasho ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles