NISA oo sheegtay in la dilay maskaxdii qaraxyada Al-shabaab

Saaxiibada caalamka oo kaashanaya Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal bartilmaameed ah oo 10-kii bishii December ay ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ku dilay labo horjooge oo sare, kuwaas oo kala ah Cabdullaahi Cismaan Maxamed, oo magaciisa afgarashadu ahaa Injineer Ismaaciil, iyo Cabdikariin Maxamed Xersi (Qoorleex), sida lagu sheegay Warsaxaafadeedka ka soo baxay Taliska NISA.

Horjooge Injineer Ismaaciil waxa uu ka mid ahaa horjoogeyaasha ugu sarreeya uguna khatarta badan cadowga Khawaarijta, isaga oo ahaa horjoogaha iyo Maskaxda qaybaha Qaraxyada, maleeshiyaadka ay ugu yeeraan Amniyaadka iyo qeybta marin-habaabinta Al-Kataaib.

Injineer Ismaaciil oo ka mid ahaa horjoogeyaasha sida gaarka ah loogu doonista badnaa cadowga ayaa madaxiisa waxaa saarnaa lacag dhan 5 milyan oo doollar, waxa uuna door weyn ku lahaa abaabulka qaraxii 14-kii Oktoobar iyo qaraxyo kale oo badan oo lagu beegsaday hantida iyo dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, horjooge Cabdikariin Maxamed Xersi (Qoorleex), oo isna ka tirsanaa qaybta marin-habaabinta Khawaarijta, ayaa si gaar ah u qaabilsanaa deegaannada Jubbooyinka.

 

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles