NISA oo sheegtay in la dilay maskaxdii qaraxyada Al-shabaab

Saaxiibada caalamka oo kaashanaya Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal bartilmaameed ah oo 10-kii bishii December ay ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ku dilay labo horjooge oo sare, kuwaas oo kala ah Cabdullaahi Cismaan Maxamed, oo magaciisa afgarashadu ahaa Injineer Ismaaciil, iyo Cabdikariin Maxamed Xersi (Qoorleex), sida lagu sheegay Warsaxaafadeedka ka soo baxay Taliska NISA.

Horjooge Injineer Ismaaciil waxa uu ka mid ahaa horjoogeyaasha ugu sarreeya uguna khatarta badan cadowga Khawaarijta, isaga oo ahaa horjoogaha iyo Maskaxda qaybaha Qaraxyada, maleeshiyaadka ay ugu yeeraan Amniyaadka iyo qeybta marin-habaabinta Al-Kataaib.

Injineer Ismaaciil oo ka mid ahaa horjoogeyaasha sida gaarka ah loogu doonista badnaa cadowga ayaa madaxiisa waxaa saarnaa lacag dhan 5 milyan oo doollar, waxa uuna door weyn ku lahaa abaabulka qaraxii 14-kii Oktoobar iyo qaraxyo kale oo badan oo lagu beegsaday hantida iyo dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, horjooge Cabdikariin Maxamed Xersi (Qoorleex), oo isna ka tirsanaa qaybta marin-habaabinta Khawaarijta, ayaa si gaar ah u qaabilsanaa deegaannada Jubbooyinka.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles