Xubno ka socda guddiga madax-bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo soo gaaray magaalada Jowhar

Wafdi ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee doorrashooyinka Qaranka iyo Soodimaha ayaa maanta soo gaaray caasimada Dowladda Hirshabeelle ee Jowhar waxaana garoonka diyaaraddaha Maxamed Dheere kusoo dhaweeyay madaxa xafiiska guddiga doorashada Hirshabeelle Mudane Maxamed Xuseen Maxamuud.

Xubnaha Guddiga ee shaqada u yimid waxaa hoggaaminayay Mudane Cabdi Caddoow Maxamed.

Masuuliyiintan ayaa loo soo gelbiyay xarunta madaxtooyadda halkaasi oo ay kulan kula yeesheen Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

“Doorasho qof iyo cod ah waa mudnaanta shacabka Hirshabeelle waana lagama maarmaan inaan ku hoggaamino haddii uu Alle idmo.”

Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soodimaha ayaa muddada ay joogaan waxa kale oo ay kulan la qaadan doonaan qeybaha bulshada waxa kale oo ay booqan doonaan goobaha loo asteeyay inay doorashada ka dhacdo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Loollanka Israel iyo Turkey oo kusoo wajahan Geeska Afrika, Somaliland iyo Soomaaliya

 Warbixin ay baahisay Middle East Eye ayaa sheegtay...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la yeeshay Madaxweynaha Eritrea

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan...

Dowladda Itoobiya oo Ka Jawaabtay Kulankii Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan

Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay kulankii ay Soomaaliya, Masar,...

Badmaaxiin u dhashay Masar oo Soomaaliya laga sii daayay oo gaaray Qaahira

Siddeed badmaaxiin oo u dhashay dalka Masar ayaa gaaray...

R/Wasaare Xamse oo gaaray degmada Balanbale

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles