Xukun dil ah oo lagu fuliyay nin shalay un dil geestay

Maxkamadda gobolka Baay ayaa maanta fulisay xukun dil toogasho ah oo lagu riday Axmed Cabdullaahi Maxamuud, kaasi oo shalay magaalada Baydhabo ku dilay Abshir Xasan Cabdiraxmaan, oo ahaa wiil dhalinyaro ah.

Dilka marxuum Abshir ayaa shalay ka dhax dhacay xafiis uu ka shaqeynayay oo ku yaalla gudaha magaalada Baydhabo, waxa ayna laamaha amniga gacanta ku dhigeen ninka dilka geestay xilli uu isku dayayay in uu baxsado.

Xukunka qisaasta ah ayaa laga fuliyay duleedka magaalada Baydhabo, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, saraakiil ciidan, maamulka degmada Baydhabo iyo dadweyne tiro badan oo ay ka mid ahaayeen ehellada marxuumka la dilay.

Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa si deg deg ah u fuliya xukunnada dilka ah ee lagu fuliyo askarta iyo dadka kale ee dilalka geesta, taa oo aac u yarreysay dilalka ka dhaca magaalada Baydhabo.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles