Xukun dil ah oo lagu fuliyay nin shalay un dil geestay

Maxkamadda gobolka Baay ayaa maanta fulisay xukun dil toogasho ah oo lagu riday Axmed Cabdullaahi Maxamuud, kaasi oo shalay magaalada Baydhabo ku dilay Abshir Xasan Cabdiraxmaan, oo ahaa wiil dhalinyaro ah.

Dilka marxuum Abshir ayaa shalay ka dhax dhacay xafiis uu ka shaqeynayay oo ku yaalla gudaha magaalada Baydhabo, waxa ayna laamaha amniga gacanta ku dhigeen ninka dilka geestay xilli uu isku dayayay in uu baxsado.

Xukunka qisaasta ah ayaa laga fuliyay duleedka magaalada Baydhabo, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, saraakiil ciidan, maamulka degmada Baydhabo iyo dadweyne tiro badan oo ay ka mid ahaayeen ehellada marxuumka la dilay.

Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa si deg deg ah u fuliya xukunnada dilka ah ee lagu fuliyo askarta iyo dadka kale ee dilalka geesta, taa oo aac u yarreysay dilalka ka dhaca magaalada Baydhabo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles