Tuesday, March 3, 2026

Xuutiyiinta oo weeraray markab ku soo jeeday Somalia

Xuutiyiinta ayaa weerarray markab laga leeyahay  Singapore, oo la sheegay inuu ku soo jeeday Soomaaliya, sida ay xaqiijinayaan mas’uuliyiinta Singapore iyo Hawlgallada Ganacsiga Badaha ee UK.

Xuutiyiinta ayaa ku andacooday inuu markabkan ku xad-gudbay xayiraada ay saareen dekedaha Israa’iil, iyagoo sheegay iney ku weerareen daroon drones ah nooca isqarxiya

Markabka MV Lobivia oo uu maamsho shirkadda Asiatic Lloyd ee dalka Singapore, ayaa ka furtay Jabuuti 16-kii Luulyo, waxaa lagu weeraray meel qiyaastii 83 mayl-badeed koonfur-bari ka xigta magaalada Cadan ee dalka Yemen

Weerarka ayaa la sheegay inuu dhaliyay dab qabsaday markabka oo markii dambe ay ku guuleysteen shaqaalaha la socday inay damiyaan,

Markabka ayaa safarkiisa sii watay, waxaana qiimeynta khasaaraha ka soo gaaray weerarka la sheegay in la soo bandhigi doono dekedaha Soomaaliya ee uu ku socdo marka uu ku xirto

Xuutiyiintu waxay sheegeen in weerarrada ay ku hayaan maraakiibta ku safraya dekedaha Israa’iil ay jawaab toos ah u tahay ficillada Israa’iil ee Gaza. Xuutiyiintu waxay ujeedadoodu tahay in ay abuuraan caqabado dhaqaale iyo saadka ee Israa’iil iyaga oo carqaladaynaya waddooyinka ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa badda

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles