Thursday, January 8, 2026

Xuutiyiinta oo weeraray markab ku soo jeeday Somalia

Xuutiyiinta ayaa weerarray markab laga leeyahay  Singapore, oo la sheegay inuu ku soo jeeday Soomaaliya, sida ay xaqiijinayaan mas’uuliyiinta Singapore iyo Hawlgallada Ganacsiga Badaha ee UK.

Xuutiyiinta ayaa ku andacooday inuu markabkan ku xad-gudbay xayiraada ay saareen dekedaha Israa’iil, iyagoo sheegay iney ku weerareen daroon drones ah nooca isqarxiya

Markabka MV Lobivia oo uu maamsho shirkadda Asiatic Lloyd ee dalka Singapore, ayaa ka furtay Jabuuti 16-kii Luulyo, waxaa lagu weeraray meel qiyaastii 83 mayl-badeed koonfur-bari ka xigta magaalada Cadan ee dalka Yemen

Weerarka ayaa la sheegay inuu dhaliyay dab qabsaday markabka oo markii dambe ay ku guuleysteen shaqaalaha la socday inay damiyaan,

Markabka ayaa safarkiisa sii watay, waxaana qiimeynta khasaaraha ka soo gaaray weerarka la sheegay in la soo bandhigi doono dekedaha Soomaaliya ee uu ku socdo marka uu ku xirto

Xuutiyiintu waxay sheegeen in weerarrada ay ku hayaan maraakiibta ku safraya dekedaha Israa’iil ay jawaab toos ah u tahay ficillada Israa’iil ee Gaza. Xuutiyiintu waxay ujeedadoodu tahay in ay abuuraan caqabado dhaqaale iyo saadka ee Israa’iil iyaga oo carqaladaynaya waddooyinka ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa badda

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Masar iyo Xoghayaha guud ee QM oo qadka Telefonka kaga wada hadlay faragelinta Israa’iil kula kacday Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Dr. Badr Cabdulcaati iyo Xoghayaha...

Taliyaha ciidanka Booliiska oo shirguddoomiyey shirka taliyeyaasha Booliiska

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto, Asad Cismaan Cabdullahi...

DFS oo Ka jawaabtay eedeynta Mareykanka ee ku saabsan Boobka Bakhaarka WFP

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka war heshay bayaan kasoo...

Cusmaan Dubbe oo dib ugu laabtay Hargeysa

Wasiir iyo Xildhibaan hore, Cusmaan Dube, oo kasoo jeeda...

DFS oo diyaarisay ciidamo loogu tala galay inay Al-shabaab ka saaraan Hiiraan

Taliyaha Ciidanka Dhulka, Saraakiisha Qeybta 27’aad, iyo Saraakiisha Qeybta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles