𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐦𝐛𝐚𝐥𝐲𝐨 𝐮 𝐝𝐢𝐫𝐚𝐲 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐀𝐬𝐥𝐮𝐮𝐛𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐌𝐮𝐧𝐚𝐚𝐬𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐚𝐬𝐚𝐚𝐬𝐤𝐨𝐨𝐝𝐚

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabadda 55-guuradii ka soo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, ayaa hambalyo u diray qeybaha kala duwan ee Ciidanka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay doorka muhiimka ah ee Ciidanka Asluubtu ay ku leeyihiin dib-u-habaynta ciidanka iyo horumarinta nidaamka caddaaladda, iyaga oo ka shaqeynaya dhaqan-celinta maxaabiista, waxbaridda iyo sugnaanta amniga xabsiyada dalka.

“Waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan Sarreeyayaasha, Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Alif-leyda, Debleyda Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Xaasaskooda iyo Caruurtooda, waxaan u rajeynaya in ay sii wadaan dedaalka naf-hurrnimada ah ee aad dadkeenna iyo dalkeenna u haysaan in aad sii xoojisaan”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Mudane Xamsa, ayaa intii ay socotay munaasabadda sanad-guurada 55-aad ee Asluubta, xarigga ka jaray Isbitaal cusub oo ay leeyihiin ciidanku. Waxa uunna xusayn in Xukuumaddiisu xoogga saari-doonto sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha kala duwan ee ay ku shaqeeyaan.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbadda munaasabadda ciidanka Asluubta waxa uu ammaan u jeediyay ciidanka geesiyaasha Daraawiisha ee Puntland ee dagaalka kula jira argagixisada Daacish, isaga oo ballanqaaday in dowladda Soomaaliyeed ay la garab taagan tahay taageero buuxda, shacabka Soomaaliyeedna ay la garab istaagaan xoog iyo xoolaba

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles