𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo ay qabanayso Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, kaas oo ay ka qeybgaleen boqolaal ka tirsan bulshada caasimadda, laguna soo bandhigay raasumaalka dalxiiska dalkeenna.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in fursadaha dalxiiska dalka ay yihiin kuwa aad u badan, dakhliga dalkana ku biirin karan saami, haddii la oofiyo shuruudaha la rabo, lana helo karaan aadane oo ku habboon iyo teknolajiyad casri ah iyo xirfado.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay ganacsiyada gaarka loo leeyahay iyo cid kasta oo maalgashi ku samaysay dalxiiska, gaar ahaan dhanka xeebaha oo uu qirey in fursadaha ugu waaweyn ay ku jiraan.

Ra’iisul Wasaaraha oo sii hadlayay ayaa dhanka kale taabtay qaddiyadda qaranimada iyo madaxbanaanida dalka isaga oo sheegay in warqad uu nin siyaasi ah u Qaramada ay ahayd mid nasiib darro ah oo dhaawac weyn ku ah qaranimadda iyo midnimada dalka.

“Midnimimadu waa tiirka adag oo la’aantii aysan ummadi taagnaan karin, kaas oo ka sareeysa khilaafaadka siyaasadeed iyo kala aragti duwanaanshaha jiri kara xilliyada qaar, haddii midnimo la waayo waxaa beylah loo noqonayaa cadaw, midnimadeenu waa dhaxal jiilba jiil usoo dhiibayay, loona hurey naf iyo maal” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Abiy Axmad oo ka wada hadlay Xaalada Koonfur Galbeed

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqasho shaqo oo hal...

Ciidamada Badda Puntland oo weeraray markabka Honour 25

Ciidamada Puntland ayaa weerar ku qaaday markabka HONOUR 25,...

MW Xasan Sheekh oo ku wajahan Itoobiya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku wajahan...

Booliiska Baydhabo oo qabtay rag lagu eedeeyay Al-Shabaab

Booliiska degmada Baydhabo ayaa sheegay in howlgal ay gudaha...

Booliiska G/Banaadir oo faahfaahin ka bixiyay rabshad ka dhacday Isbitaalka Muqdisho

War ka soo baxay Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles