Monday, August 17, 2026

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฑ๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐š ๐ค๐ฎ ๐ช๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐ ๐ข๐ข ๐ค๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ค๐จ๐ฐ๐š๐š๐ ๐ค๐š ๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐ˆ๐ฆ๐ญ๐ข๐ฑ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐š๐ฅ๐ข๐๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐š

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Hooyo Safiya Macallin Cabdulle Cumar iyo wiilkeeda Maxamed Ciise Daahir, oo sannadkan kaalinta ugu horreysa ka galay Imtixaankii Qaranka ee Dugsiyada Sare ee dalka.

Ugu horeyn Raโ€™iisul Wasaare Xamsa, ayaa ugu hambalyeeyay Hooyo Safiya, dalaalka iyo halganka ay u gashay barbaarinta wiilkeeda, isaga oo ku tilmaamay in ay kaalinta kowaad u gashay Hooyooyinka Soomaaliyeed, halka wiilkeedu uu kaalinta kowaad u galay ardayda Soomaaliyeed, taasi oo ku timid juhdiga hooyo Safiya iyo dadaalka ay galisay waxbarashadiisa.

Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa xusay in dadaalka iyo waxbaridda carruurta ay muhiimad gaar ah u leedahay dowladda Soomaaliya, taasi oo la doonayo in dadkeenna ay gaaraan isbeddel ku salaysan aqoonta iyo xirfadaha la barayo dhallinyarada Soomaaliyeed.

โ€œHaddii tartan la galo in la guuleysto wax sahlan maha, runtii wax aad halkaas ku gaartay dadaalka iyo halganka aad muujisay iyo barbaarinta Hooyo Safiya, waxa aan hubaa in dad badan oo kaa fursad badan maanta aad kaalinta kowaad uga horeysay taasi waxa ay cadeynasa sida ay waalidku ugu dadallaan ubadkaโ€.Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa, waxa uu Hooyo Safiya ku abaallmariyey kaalinta qiimaha badan ee Hooyonnimo shaqaale rasmi ah oo dowladda , halka wiilkeeda Maxamed Ciise Daahir, oo kaalinta kowaad ka galay Imtixaanka Qaranka lagu abaallmariyay waxbarasho ay daboolayso dowladda Soomaaliya, iyada oo loo diray halka uu codsado.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

DFS oo war ka soo saartay Dagaalka Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray...

Xamaas oo farriin u dirtay Trump iyo waxa ay doonayaa

Xamaas ayaa ka codsatay Guddiga Nabadda ee Madaxweyne Donald...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles