Monday, August 17, 2026

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira safarkiisa deegaanada Galmudug ee uu ugu kuur-galayo xaaladaha amniga iyo nolosha bulshada ayaa soo gaaray magaalada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa salaan la dhex qaaday boqolaal ka mid ah shacabka reer Galinsoor, kuwaasi oo safaf dhaadheer ugu jiray soo dhoweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo goob fagaare ah kula hadlay bulshada reer Galinsoor ayaa ugu baaqay in ay xoogga saaraan ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo wada noolaanshaha bulshada, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in magaaladu ay noqoto deegaan nabad ah oo ay si walaaltinimo leh ugu wada nool yihiin dhammaan dadka Soomaaliyeed ee wada dega.

WARARKII KALE

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

DFS oo war ka soo saartay Dagaalka Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray...

Xamaas oo farriin u dirtay Trump iyo waxa ay doonayaa

Xamaas ayaa ka codsatay Guddiga Nabadda ee Madaxweyne Donald...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles