DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo ay maleeshiyaad ay ku tilmaantay inay isugu jiraan Al-Shabaab iyo ciidamo taabacsan Cabdicasiis Laftagareen ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin magaalada Baydhabo.

Sida ay Wasaaraddu sheegtay, weerarka waxaa loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa, balse ciidamada dowladda ayaa sheegay inay fashiliyeen weerarka, iyagoo ka hortagay isku daygii lagu qalqal gelinayay amniga magaalada.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegtay in intii uu socday dagaalka lagu dilay ku dhowaad 30 maleeshiyaad ah, halka qaar kale nolol lagu qabtay. Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hub iyo gaadiid ay wateen kooxihii weerarka soo qaaday.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa weli wada hawlgallo amni oo ka socda gudaha Baydhabo, kuwaas oo lagu sheegay in lagu baacsanayo maleeshiyaad laga yaabo inay ku dhuumaaleysanayaan qeybo ka mid ah magaalada.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay inay shacabka Soomaaliyeed la wadaagi doonto faahfaahin dheeraad ah iyo natiijada kama dambaysta ah ee hawlgalka marka uu soo gabagaboobo.

WARARKII KALE

Soomaaliya iyo Sweden oo ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Beesha Caalamka oo dhex-dhexaadinaya heshiiska doorashada, Deni iyo Axmed Madoobe oo amnigooda la sugayo

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in saaxiibbada caalamiga ah...

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya shir ka dhacaya Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo...

Shiinaha ayaa beeniyay in ay basaaseen madaxa shirkadda Nvidia

Shiinaha ayaa iska fogeeyay waxa uu ku tilmaamay eedeymo...

Trump oo ku dhawaaqay in dagaalka Iran uu milatari ahaan dhammaaday

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in dagaalka ka...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles