Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la soo afjaray weerarkii ay maanta kooxaha Khawaarijta ku qaadeen magaalada Baydhabo.
Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada qalabka sida ay si buuxda uga hortageen weerarka, isla markaana la soo afjaray kooxihii weerarka soo qaaday.
Wasaaraddu waxay sidoo kale u mahadcelisay ciidamada dowladda ee ka qeyb qaatay difaaca magaalada, iyadoo ku ammaantay naf-hurnimada iyo dadaalka ay muujiyeen intii uu socday iska horimaadka.
Weerarkan ayaa maanta ka dhacay Baydhabo, xilli magaalada ay ka jirtay xaalad amni oo kacsan, waxaana weli socda xog uruurin ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarka iyo dagaalka.


