Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa ka hadlay weerarka ay saaka magaalada Baydhabo kusoo qaadeen maleeshiyaad uu ku tilmaamay Khawaarij.
Wasiirka ayaa sheegay in kooxda ay isku dayday inay qabsato magaalada Baydhabo, balse ciidamada qalabka sida ay si adag uga hortageen weerarka, isla markaana ay iska difaaceen.
โWaxaa saaka magaalada Baydhabo weerar argagixiso kusoo qaaday Khawaarijta, iyagoo isku dayey inay qabsadaan magaalada Baydhabo. Waxaan ku ammaanayaa ciidamada qalabka sida sida ay isaga difaaceen weerarka Khawaarijta,โ ayuu yiri Wasiir Xasan Xuseen Maxamed.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in saacadaha soo socda la soo bandhigi doono meydadka iyo dhaawacyada maleeshiyaadka weerarka soo qaaday, iyo sidoo kale gaadiid gaashaaman oo uu sheegay inay wateen, kuwaas oo loogu talagalay in shacabka Baydhabo lagu waxyeelleeyo.
โSaacadaha soo socda waxaa la soo bandhigi doonaa meydadkooda, dhaawacyadooda iyo baabuurtii gaashaamnaa ee ay rabeen inay ku gumaadaan shacabka magaalada Baydhabo, kuwaas oo ciidamada dowladdu la wareegeen,โ ayuu hadalkiisa ku daray.
Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa ciidamada dowladda u rajeeyay guul, isagoo ku dhawaaqay: โGeeshkeenow guulaysta.โ


