𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta xarig-jaray Bandhigga Carwada Ganacsiga Banaadir, oo lagu qabtay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha oo kormeer ku sameeyay qeybaha ay ka kooban tahay Carwada ayaa bogaadiyay gabdhaha Soomaaliyeed ee doorka muuqda ka qaatay Horumarinta Ganacsiga, ka shaqaynta arrimaha bulshada iyo hal-abuurkooda muuqda ee ay ku dhex leeyihiin dalka.

“Waxaan idiinku hambalyeynayaa dadaalka ay la yimaadeen Hablaha Soomaaliyeed iyo hal-abuurkooda iyo sida ay ugu dhiirradeen in ay qabtaan Bandhigga Carwada Ganacsiga Gobolka Banaadir, waxaan ballan-qaadaya in dowladda Soomaaliyeed ay garab u tahay gabdhaha la yimid hal-abuurkan”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa

Mudane Xamsa, ayaa mid mid u dul-istaagay qeybaha ay ka koobantahay Carwada ayaa dhiirrigaliyay dhallinyarada qeybta weyn ka qaatay qabsoomidda bandhiggan waxa uunna tilmaamay in ay Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah u leedahay garab istaagga ganacsatada yaryar ee soo kobcaya.

WARARKII KALE

DFS oo Cali Jeyte dalacsiisay xilli xiisadda Hiiraan ay sii xoogeysanayso

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Cali Jeyte Cismaan, hoggaamiyihii hore...

Fiqi oo mucaaradka ku eedeeyay dalabka hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab iyo Daacish ee gogosha wada-hadalka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Horjooge sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa lacagaha baadda ah oo lagu dilay Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 6-aad, Qeybta...

Bangiga Adduunka oo ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed ee uu siiyo Muqdisho

Bangiga Adduunka ayaa ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed...

Deni oo la kulmay Safiirka Ingiriiska iyo arrimo xasaasi ah oo ay ka wadahadleen

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Safiirka...

Danjiraha Turkiga iyo Waare oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo gobolka

Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles