Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadija Mohamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabishay wafdi sare oo ka socday Hayโada UNICEF, oo ay hoggaaminaysay madaxa hayโadaha ee Soomaaliya, Ms Sandra Lattouf.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta u dhaxaysa Wasaaradda iyo hayโada UNICEF, gaar ahaan dhinacyada la xiriira ilaalinta xuquuqda carruurta, horumarinta adeegyada bulshada, iyo taageeridda barnaamijyada muhiimka ah ee wax ka taraya bulshada Soomaaliyeed.
Intii uu socday kulanka, Wakiilka UNICEF ayaa muujisay sida hayโaddu uga goโan tahay taageeridda himilada iyo qorshayaasha Wasaaradda, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo arrimaha mudnaanta u leh qorshaha horumarinta ee Wasaaradda, si loo gaaro natiijooyin waxtar leh oo la taaban karo.
Wasiir Amb Khadija Mohamed Al-Makhzoumi ayaa uga mahad celisay hayโada UNICEF Shaqada wanaagsan ee ay la garab taagan yihiin bulshada inteeda nugul, iyadoo carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay iskaashi miro dhal ah oo lagu xoojinayo ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda
Carruurta.