Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyey kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 4-aad ee Golaha Shacabka.
Ugu horreyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sheegay in xildhibaanada sabab la’aanta uga maqan
fadhiyada golaha lala tiigsan doono xeerhoosaadka Golaha, sidoo kalena aan la aqbali doonin Xildhibaanada inta ay is xaadiriyaan hadana iska baxa, waxaana sidoo kale kulanka lagu dhaariyey Wasiir kuxigeenka cusub ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cusmaan Maxamed Cabdi.
Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 140-Xildhibaan, waxa ay Xildhibaanada Golaha ay Akhrinta koowaad marsiiyeen Borotokoolada kaabaya afarta Axdi ee Geneva 1949-kii (Borotokoolada dheeraadka ah ee Heshiisyada Geneve 1949-kii) oo ay soo gudbisay wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga ah, waxaana Golaha la wadaagay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah.
Sidoo kale Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa Akhrinta labaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka wax ka bedelka qeybtiisa 6-aad ee Hindise sharciyeedka sharciga Iibka Qaranka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanada Golaha kula dardaarmay in ay xoogga saaraan gudashada waajiaabka ay ka sugayaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana Xildhibaanada ugu dambeyn loo qeybiyey Heshiis-hoosaadka Qaramada Midoobay ee sharciga badaha (UNCLOSE) ee ilaalinta iyo isticmaalka waara ee kala duwanaanshaha noolaha badda ee aagga ka baxsan awooda Qaranka (BBNJ AGREEMENT).


