Booliisku waxay sheegeen in rag hubeysan ay dileen macallin isla markaana ay afduubteen ugu yaraan 25 arday ka dib weerar lagu qaaday iskuul sare oo gabdhaha ah oo ku yaal waqooyi-galbeed Nigeria.
Kooxdu waxay weerareen Iskuulka Sare ee Gabdhaha ee Dowladda ee Maga, gobolka Kebbi, abaare 04:00 saacadda gudaha subaxnimadii Isniinta, sida ay sheegeen.
Bayaan ka soo baxay booliiska ayaa lagu yiri weeraryahanadu “waxay la dagaallameen ciidankii booliiska ee waardiyaha ahaa”, ka hor intaysan ka tallaabin darbigii iskuulka oo ay ka kaxeysteen ardaydii ku jirtay hoolka jiifka.
Mid ka mid ah shaqaalaha iskuulka ayaa la dilay isagoo isku dayaya inuu ardayda difaaco, halka shaqaale kale uu dhaawac rasaaas ka soo gaaray oo haatan la daawaynayo.


