Tuesday, July 7, 2026

Farmaajo oo ku baaqay in Bisha Ramadaan loo gurmado dadka danta yar

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa qoraal uu soo saaray ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka Islaamka munaasabadda bilowga bisha barakaysan ee Ramadaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in bishan ay ku soo aadday xilli ay dadka Soomaaliyeed wajahayaan duruufo adag iyo abaaro saameyn weyn ku yeeshay dadka iyo duunyada intaba. Wuxuu ugu baaqay shacabka inay badiyaan ducada iyo baryada Alle, si dalka looga saaro dhibaatada, loona helo nabad iyo barwaaqo waarta.

Madaxweynihii hore ayaa ku boorriyay dadka Soomaaliyeed inay u istaagaan taakuleynta walaalahooda danyarta ah, si looga fududeeyo culayska nololeed ee ay xilligan la daalaa-dhacayaan.

Wuxuu ku sifeeyay bisha Ramadaan inay tahay fursad qaali ah oo loo baahan yahay in lagu dhex jiro cibaado, is-cafin iyo xoojinta walaalnimada.

Farmaajo ayaa walaac ka muujiyay saameynta abaaraha, isagoo xasuusiyay dadka wax haysta inay gacan qabtaan dadka ay tabaalaysay abaartu.

WARARKII KALE

 Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha JFS oo waddo cusub ka dhagax dhigay Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

26 qof ayaa ku dhimatay rabshado ka dhacay xabsi ku yaal Sri Lanka

Rabshado ka socday labo maalmood xabsiga Negombo, oo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh”Dadka Soomaaliyeed waxay direen fariin doorasho qof iyo cod ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray Baydhabo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baydhabo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles