46 qof oo ku dhintay diyaarad ku dhacday Sudan

Diyaarad ay leeyihiin militariga Suudaan ayaa ku burburtay gobolka Omdurman Xalay, waxaana ku dhintay dhowr rakaab ah iyo askar, sida lagu sheegay warbixin ay qortay wakaaladda wararka ee Suna.

Isagoo aan bixin faahfaahin dheeri ah, afhayeenka milaterigu wuxuu sheegay in diyaaraddu ay burburtay xilli ay doonaysay inay ka kacdo garoonka diyaaradaha ee Waadi Seidna.

“Waxaan helnay meydad iyo dhaawacyo badan oo isugu jira ciidan iyo shacab, dadkii dhaawacmay waa la daweeyay, ciidamada dabdamiska ayaana damiyay dabkii ka kacay deegaanka Al-Iskan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ilo-wareedyo ciidan ayaa sheegay in shilkan uu ka dhashay cilad farsamo, isla markaana ay jireen saraakiil sare sare oo ka mid ahaa dadka saarnaa diyaaradda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles