Wednesday, November 12, 2025

Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in la xaliyay cabashadii shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, ayaa maanta si guul leh u soo afjaray cabasho ay qabeen shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle. Kulanka xalinta cabashada, oo ka dhacay garoonka, ayaa wasiirka waxaa ku wehlinayay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda, Wasiir ku-xigeenka, Agaasimaha Guud, iyo Maareeyaha Garoonka.

Intii uu kulanku socday, wafdiga wasaaradda ayaa si dhow u dhageystay cabashooyinka shaqaalaha oo la xiriiray arrimo shaqo. Kadib wada-hadallo miro-dhal ah, waxaa la isku raacay xal waara oo lagu qanciyay dhinacyadii kala duwanaa.

Wasiirka ayaa faray shirkadda maamusha garoonka in ay si degdeg ah wax uga qabato dhammaan qodobadii ay shaqaaluhu cabashada ka muujiyeen.

Waxaa loo digay shirkadda maamulka garoonka, waxaana lagu amray in aysan mar dambe soo laaban cabashooyin noocaan oo kale ah.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa ballanqaaday in ay si joogto ah ula socon doonto xaaladda shaqo ee garoonka, si loo hubiyo in xuquuqda shaqaalaha la ilaaliyo, howlaha garoonkuna u socdaan si habsami leh.

Wasiir Maxamed Faarax Nuux ayaa u mahadceliyay shaqaalaha garoonka sida ay u muujiyeen dulqaadka iyo mas’uuliyadda, isagoo ku dhiirigeliyay in ay si daacadnimo iyo hufnaan leh u gutaan waajibaadkooda shaqo. Sidoo kale, wuxuu xaqiijiyay in Wasaaradda ay mar walba u taagan tahay ilaalinta xuquuqda iyo daryeelka shaqaalaha.

Hawlihii garoonka ayaa dib caadi ugu soo laabtay, iyadoo la xaqiijiyay in adeegyada duulimaadyada ay dib u bilaabmeen si habsami leh. Wasaaraddu waxay cadeysay in amniga iyo badbaadada garoonku ay yihiin mudnaanta ugu sareysa.

WARARKII KALE

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo ku dhawaaqay bilaabashada qeybinta kaararka codbixinta ee Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa maanta...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo Go’aano culus ka soo saaray xaalada siyaasadeed ee dalka

Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku soo dhammaaday...

Farmaajo oo ku soo wajahan Muqdisho iyo loolan siyaasadeed uu ka bilaabayo G/Banaadir

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lagu...

Madaale oo sheegay in Xisbiga MW Xasan Sheekh ee JSP uu qarka u saaran yahay inuu burburo

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),...

Madaxweyneyaasha Masar iyo Kenya oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo Geeska Afrika

Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Sisi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay...

Venezuela oo diyaarisay qorshe dagaal oo looga hortagayo duullaan Mareykanka

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in dowladda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles