Wednesday, November 12, 2025

Maxay ka wadahadleen MW Xasan Sheekh iyo Dhigiisa Dalka Aljeeriya

Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii Labaad booqasho rasmi ah ku jooga dalka Aljeeriya ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyay Qasriga Almuradiya, halkaas oo uu ku qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Aljeeriya Mudane Cabdulmajiid Tabbuun.

Munaasabadda soo dhoweynta ah ayaa lagu maamuusay calammada labada dal, iyadoo cutubyo ka tirsan Ciidamada dalkaas ay salaan sharaf siiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo intaas kaddib kulan gaar ah la qaatay Dhiggiisa Mudane Cabdulmajiid Altabbuun.

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa wadajir u guddoomiyey wada-hadallo ballaaran oo ay ka qayb galeen xubnaha labada dal oo ku qotomay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, dhaqanka iyo arrimaha diblomaasiyadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Cabdulmajiid Tabbuun iyo shacabka reer Aljeeriya soo dhoweynta diirran iyo qaabilaadda wanaagsan, waxa uuna xusay in booqashadani ay astaan u tahay kobaca xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Aljeeriya.

Dhankiisa, Madaxweyne Cabdulmajiid Tabbuun ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya horumarka iyo dadaalka joogtada ah ee ay ku xaqiijinayso xasillinta iyo dib u dhiska Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay dowladda Aljeeriya uga go’an tahay in ay xoojiso iskaashiga iyo xiriirka kala dhexeeya walaalahooda Soomaaliya.

WARARKII KALE

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo ku dhawaaqay bilaabashada qeybinta kaararka codbixinta ee Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa maanta...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo Go’aano culus ka soo saaray xaalada siyaasadeed ee dalka

Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku soo dhammaaday...

Farmaajo oo ku soo wajahan Muqdisho iyo loolan siyaasadeed uu ka bilaabayo G/Banaadir

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lagu...

Madaale oo sheegay in Xisbiga MW Xasan Sheekh ee JSP uu qarka u saaran yahay inuu burburo

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),...

Madaxweyneyaasha Masar iyo Kenya oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo Geeska Afrika

Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Sisi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay...

Venezuela oo diyaarisay qorshe dagaal oo looga hortagayo duullaan Mareykanka

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in dowladda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles