Tuesday, July 28, 2026

Farmaajo oo muddo seddex sano ah kadib dib ugu soo laabtay dalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib muddo saddex sano ka badan oo uu ku sugnaa dalka Qatar.

Farmaajo ayaa la xaqiijiyay in uu diiday in si rasmi ah loogu soo dhaweeyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, isagoo doorbiday in uu si toos ah ugu laabto hoygiisa magaalada Muqdisho. Taageerayaashiisa iyo siyaasiyiin ku dhow ayaa halkaas ku qaabilay.

Soo laabashadiisa ayaa imaneysa iyadoo uu dhowaan ku sugnaa dalka Turkiga, halkaas oo uu kulamo siyaasadeed kula yeeshay kooxdiisa iyo siyaasiyiin kala duwan.

Dib u imaanshaha Farmaajo ayaa loo arkaa mid calaamad u ah bilowga olole cusub oo uu kaga qaybgalayo isbeddellada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan diyaarinta doorashooyinka la filayo.

Waxaa la filayaa inuu Muqdisho ka bilaabo kulamo wadatashi iyo siyaasadeed uu la yeelan doono madax mucaarad ah, xildhibaano iyo aqoonyahanno taageersan aragtidiisa siyaasadeed.

Imaanshihiisa ayaa si dhow loogu eegayaa saameynta ay ku yeelan karto xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiriirka uu la yeelan doono Villa Soomaaliya, iyo sida ay arrintaasi u beddeli karto miisaanka mucaaradka.

Soo laabashada Farmaajo waxay ku soo beegan tahay xilli uu isa soo tarayo isbaheysiga uu hoggaaminayo Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), oo xiriir dhow la leh Farmaajo, taasoo sare u qaadeysa xiisadda iyo tartanka siyaasadeed ee dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Milateriga Sudan oo shaaciyey guul ay gaareen

Ciidanka Suudaan ayaa sheegay inay si buuxda ula wareegeen...

Iiraan oo u yeertay Safiirka Faransiiska u fadhiya Tehraan

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa ku dhawaaqday in...

Golaha Mustaqbalka oo Fariin Culus u diray dalalka Ciidamada ka Jooga Soomaaliya

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (Somali Future Council) ayaa warqad furan...

Uganda oo ku biirtay dalalka ku tartamaya codka Soomaaliya ee u sharraxan Xilka Xoghayaha Guud ee Q.M

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah ugu biirtay tartanka...

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya Kadib Wasiirro laga hor Istaagay Nairobi

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay Safiirka Kenya u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles