Hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa sheegtay inay u daabulayso koox khubaro dalka Itoobiya si ay gacan uga geystaan dadaalada laamaha caafimaadka Itoobiya ee xanuunka halkasi ka dilaacay.
Bayaan ay soo saartay WHO waxay ku sheegtay in halkaasi ay u dirayso koox khubaro ah oo isugu jira 11 sarkaal oo farsamo oo khibrad u leh wax ka qabashada xumadda dhiigbaxa fayraska .
Waxay sidoo kale gacan ka gaysanayaan shebaarada lagu xaqiijinayo, ka hortagga iyo xakamaynta caabuqa, daryeelka bukaan-socodka, isu-duwidda jawaabta xanuunka iyo in bulshada looga digo.
WHO waxa ay sidoo kale siinaysaa qalab muhiim ah oo ay ku jiraan qalabka ay shaqaalaha caafimaadka isaga ilaalin lahaayeen caabuqa.


