Booliska Puntland oo sheegay in haweenay loo qabtay dil ka dhacay Gaalkacyo

Booliska Puntland, gaar ahaan taliska qaybta gobolka Mudug ayaa sheegay in uu soo qabtay haweeney lagu eedeeyay in ay gabadh yar ku dishay magaalada Gaalkacyo.

Booliska ayaa sheegay  in ay gacanta ku dhigeen eedeysane Hodan Maxamuud Diiriye oo lagu eedeynayo in ay dishay marxuumad Saabiriin Saylaan Cabdulle, oo 14 jir ahayd.

War-saxaafadeed ka soo baxay booliska Puntland ayaa lagu yiri “ciidanka booliska Puntland, gaar ahaan taliska qeybta gobolka Mudug ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysanad Hodan Maxamuud Diiriye, oo 34 jir ah, taas oo lagu eedeeyay in ay dishay Marxuumad Saabiriin Saylaan Cabdulle, oo 14 jir ahayd”.

“Eedeysanadda ayaa haatan ku jirta gacanta ciidanka booliska, waxaana lagu wadaa baaritaan hordhac ah, kaddib marka baaritaanku soo dhamaado, eedeysanadda ayaa la horgeyn doonaa maxkamadda awoodda u leh” ayaa la raaciyay war-saxaafadeedka.

Dilka gabadha yar ayaa sababay kacdoon ay saacadihii la soo dhaafay sameeyeen haweenka magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo codsanayay in ay caddaalad hesho marxuumad Saabiriin.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles