Tuesday, November 18, 2025

Golaha wasiirada Maamulka Waqooyi Bari oo la ansixiyay

Madaxweynaha Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya Cabdiqaadir Axmed Aw Cali oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeen Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta horgeeyey Golaha Baarlamaanka DWS xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada iyo Qorshaha xukuummadda ee 5-ta Sano.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey Golaha ayaa Xildhibaanada sharafta badan ka codsaday inay codka kalsoonida siiyaan Xukuumada cusub, isagoo sidoo kale Golaha Baarlamaanka la wadaagay Barnaamijka uu ku hoggaaminaya Xukuumada oo ka kooban Lix tiir ee oo kala ah:-

1. Amniga iyo Cadaaladda

2. Daadejinta Dawladda iyo Dimuqraadiyeynta

3. Horumarinta dhaqaalaha

4. Horumarinta adeegyada bulshada

5. Xaqiijinta Maamul wanaaga iyo cidhib-tirka Musuqa

6. Tayaynta Garsoorka iyo xaqiijinya sarreynta sharciga

Intaa kaddib, Golaha Baarlamaanka ayaa Xubnaha Golaha Wasiirada mid mid uga dhegaystay sooyaalkooda nololeed iyaga oo ku ansixiyey cod aqlabiyad ah, sidaasna waxaa ku ansaxay Golaha Xukuumada iyo Barnaamijka 5-ta Sano.

Ugu dambayn Madaxweynaha ayaa Shir-guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha uga mahadceliyey ansixinta Xukuumada iyo Qorshaha 5-ta Sano, isaga oo ku boogaadiyey shaqada wanaagsan ee Goluhu hayo, xusayna muhiimada ay leedahay adkaynta wadashaqaynta Goleyaasha Dawladda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Trump oo u mahadceliyay dalal ay Soomaaliya ka mid tahay

Madaxwaynaha Mareykanka Donold Trump ayaa uga mahadceliyay hogaamiyayaasha caalamka...

Xamaas oo diidday qorshaha Trump ee Qasa

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil ayaa soo dhaweeyay qaraarka golaha amniga...

RW Xamsa oo Guddoomiyey Shir Lagu Dardar-gelinayo Hawlaha Doorashooyinka Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Wasiirka deegaanka oo khudbad ka jeediyey madasha sare ee dalalka Hay’adda cimilada QM (UNFCCC COP30)

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles