Sunday, May 31, 2026

RW Xamsa oo kormeer ku tagay xarunta Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer ku tagey xarunta Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), halkaas oo ay ka bilaabatay bixinta kaararka codbixinta doorashooyinka.

Ra’iisul Wasare Xamsa, ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee nasiibka u yeeshay in ay is diiwaangeliyaan, in ay qaataan kaararkooda oo ay codeeyaan, isla markana ay muujiyaan awooddooda muddada dheer ka maqnayd.

“Waxaan ugu baaqayaa, ku adkeynayaa, kula dardaarmayaa shacabka Soomaaliyeed ee u suurtagashay nasiibkana u yeeshay in ay is diiwaangeliyaan, in ay qaataan kaararkooda, si ay u codeeyaan, oo si dhab ah u muujiyaan awooddooda muwaadin ee dastuuriga ah ee muddada dheer laga xayuubiyey.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ammaan u jeediyay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo hey’adaha amniga shaqada adag ee ay qabteen, isaga oo xusay in ay howshan ka soo bilaabeen meel fog ayna muujiyeen hufnaan iyo karti.

“Maanta waa maalin taariikhi ah oo qiimo gaar ah u leh shacabka ku nool Gobolka Banaadir, maadaama ay si rasmi ah u bilaabatay qaadashada kaararka cod-bixinta ee dadka horey isu diiwaan-geliyay, si ay uga qeybgalaan doorashada ka dhaceysa caasimadda.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay diyaar ula tahay wax kasta oo u fududeynaya shaqada looga baahan yahay, si loo xaqiijiyo hirgelinta doorashada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar31 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Faransiiska oo dalbaday shir degdeg ah oo Golaha Ammaanka uga hadlo howlgalka Israa’iil ee Lubnaan

Dowladda Faransiiska ayaa codsatay in si degdeg ah loo...

Ciidamada Ammaanka oo gacanta ku dhigay nin dil ka geystay Galgaduud

Ciidamada ammaanka ee degmada Guriceel ayaa gacanta ku soo...

Mahad Salaad oo Kulamo la qaatay Mucaaradka si loo adkeeyo Amniga Muqdisho Kahor Bannaanbaxa 4-ta Juun

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda...

Horjoogayaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab lagu dilay G/Sh/Hoose

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo...

Aadan Madoobe oo Warbixin ka dhegeystay Saraakiisha Amniga ee Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles