Wednesday, June 24, 2026

Madaxweynaha Tanzania oo wasiirkii Soomaaliga ahaa beddeshay gabadheedana xil u magacowday

Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan ayaa ku dhawaaqday gole wasiirro cusub oo ka kooban 27 wasiir, taasoo ah isku shaandheyn ballaaran oo lagu sameeyay hoggaanka dowladda, tallaabadan ayaa qeyb ka ah dib u habeynta waxqabadka iyo kordhinta waxqabadka dowladda ee xilliga lixaad.

Madaxweyne Samia oo ka hadlaysay aqalka madaxtooyada Chamwino ee magaalada Dodoma ayaa sheegtay in isbedellada ay ku jiraan dhismaha wasaarado cusub, beddelaadda qaar ka mid ah wasaaradihii hore iyo in dowladda la soo dhexgaliyo wajiyo cusub.

Xubnaha la magacaabay markii ugu horeysay waxaa ka mid ah Wanu Ameir oo ah gabadha madaxweynaha oo loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada, sayniska iyo tignoolajiyada iyo Paul Makonda oo laga soo doortay magaalada Arusha oo loo doortay inuu ka mid noqdo wasiir ku xigeennada wasaaradda warfaafinta, fanka, dhaqanka iyo ciyaaraha.

Madaxweyna Samia ayaa sidoo kale wasiirka caafimaadka u magacowday wiilka ay soddogga u tahay Mohammed Mchengerwa.

Waxay sidoo kale dib u soo celisay dhowr wasiir oo hore oo ay ku jiraan barafasoor Adolph Mkenda, Jumaa Aweso, barafasoor Makame Mbarawa iyo barafasoor Paramagamba Kabudi.

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah wasiirradii caanka ahaa ee uu ka mid ahaa Xuseen Baashe oo ahaa wasiirka beeraha, ayaan ku soo noqon golaha wasiirada cusub.

Wasiirka beeraha ayaa haatan loo magacaabay Daniel Chongolo.

Aqalka looga arrimiyo dalkaasi Tanzania ayaa xaqiijiyay in dhammaanba wasiirrada iyo ku xigeennadooda la filayo in la dhaariyo maanta, iyadoo xafladda dhaarintooda ay ka dhacayso magaalada Dodoma.

Xigasho:-BBC

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles