Madaxweynaha koonfur galbeed oo shirguddoomiyey shirka golaha wasiiradda

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo diiradda lagu saaray Arrimo Muhiim ah oo ku saabsan Maamulka iyo Horumarinta Adeegyada Bulshada.

Golaha Wasiirada ayaa si aqlabiyad leh u Ansixiyeen Miisaaniyadda Dowladda Koonfur Galbeed ee sanadka soo socda. Miisaaniyaddan ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo Adeegyada Dowladnimo kor loogu qaado Amniga, Caafimaadka, Waxbarashada, iyo dib u dhiska kaabeyaasha Dhaqaalaha.

Sido kale Wasiirka Qorshaynta ayaa Golaha Wasiirada la Wadaagay Qorsha Howleedka Shanta sano ee soo socda ee ay Diyaarisay Wasaarada kuwaas oo ay kamid yihiin Siyaasada loo dhanyahay, Isbeddel Dhaqaale oo Waara, Hormarinta Bulshada , Deegaanka iyo Adkeysiga Cimilada

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Golaha Wasiirada dadaalka ay ku bixiyeen diyaarinta iyo dib u eegista miisaaniyadda, isaga oo ku boorriyey in la dardar-geliyo hirgelinta qorshayaasha ku jira miisaaniyadda cusub si shacabka Koonfur Galbeed ay uga faa’iideystaan.

Shirka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey arrimo la xiriira amniga, qorsheyaasha horumarineed, iyo xoojinta wada shaqeynta hay’adaha Dowlada.

WARARKII KALE

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles