Friday, June 5, 2026

Ilhaan Cumar oo si adag u difaacday beegsigii Trump ee Soomaalida Minnesota

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka iyo madaxda kale ee xisbiga Dimuqraadiga-Farmer-Labor ayaa cambaareeyey beegsigii dhawaan Madaxweyne Donald Trump iyo xisbiga Jamhuuriga ay ku sameeyeen jaaliyadda Soomaalida Maraykanka ee ku nool gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

“Kuma eedayno sharci-darrada hal shakhsi bulsho dhan,” ayay tiri Ilhaan, iyada oo tixraacaysa dilal badan oo ka dhacay Minnesota iyo kiisas musuq ah oo ku saabsan adeegyada bulshada, kuwaas oo qaar badanoo ka mid ah ay ku lug lahaayeen Soomaali-Maraykan lagu eedeeyay inay boqollaal kun oo doollar inay ka qaateen barnaamijyada dowladda ee loogu talagalay in lagu quudiyo carruurta gaajaysan, lagu caawiyo dhalinyarada autismka qaba iyo in ay dadka ka caawiyaan helitaanka guri.” Ayay tiri.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay Jimcihii inuu si degdeg ah u joojinayo barnaamijka difaaca siinaya Soomaalida Maraykanka ee (TPS) isaga oo ku andacooday inay koox Soomaali ah ay argagax galinayaan dadka gobolka Minnsota. Barnaamijkan ayaa soo bilowday 1991 oo uu xilligaasi uu talada hayay madaxweyne xisbiga Jamhuuriga.

”Koox Soomaali ah ayaa argagax galinaya dadka gobolkaasi weyn, waxaana la waayay balaayiin doolar,” ayuu Trump ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth Social.

”Aniga, ka madaxweynaha Maraykanka ahaan, halkan ayaan ku joojinayaa, iyada oo dhakhso loo dhaqan galinayo, barnaamijka ilaalinta ku meel gaarka ah (TPS) ee Soomaalida Minnesota,” ayuu yiri.

WARARKII KALE

Trump oo sababta uu Iiraan u weeraray ku sheegay dal Jeceyl

Trump oo qararka la anxisiyey ku tilmaamay mid aan...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 04 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

israa’iil oo lagu eedeeyay inay 11 qof ku dishay Qasa

Sida ay sheegeen ilo caafimaad iyo goobjoogayaal, ugu yaraan...

Dowladda Soomaaliya oo digniin culus dirtay

Taliyaha booliiska gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin oo loo...

Dagaalkii ugu cuslaa oo ka socda Muqdisho

Muqdisho ayaa saaka ku waabariisatay dagaallo culus oo habeenkii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles