Bartamihii bishii July waxaa si lama filaan ah albaabada loo laabay xaruntii caanka ahayd ee ‘Xfzi Qur’aan’ ee magaalada Ginda, waxaana labo maalin kadib xabsiga loo taxaabay maamulihii iyo Sheekh Adem Jaabir Shaban oo ilaa hadda aan la ogeyn halka lala aaday sida ay sheegeen ehelada.
Idiris Ibraahim oo ka mid ah culumada waawayn ee dalkaasi ayaa isagoo ku sugan dalka UK u sheegay BBC-da in magaalooyinka waaweyn ee caalamka ay ka socdaan qeylo dhaan ay dadku ku muujinayaan in Sheekh Adem la sii daayo, isla markaana la ixtiraamo xuquuqda diinta ee Eritrea.
Idiris oo qudhiisa ka soo jeeda Ginda ayaa sheegay in uu si dhow ula socdo xaaladda.
Ka dib markii si lama filaan ah loo xiray xarunta Qur’aanka ee 15 July, 2025, “Sheekh Shaaban wuxuu bilaabay cabasho ka dhan ah xiritaanka, laba maalmood ka dibna way yimaadeen oo ay afduubteen – waxay ahayd afduub,” ayuu yiri.
Gudoomiyaha magaalada Ginda ayaa sheegay in loo xiray arimo la xiriira arintaan.


