Wednesday, July 22, 2026

Tirada dadka ku dhintay dabkii Hongkong oo korortay

Ugu yaraan 44 qof ayaa ilaa hadda ku dhintay dab xooggan oo ka kacay guryo dadweyne oo ku yaal degmada Tai Po ee Hong Kong, iyadoo 279 la la’ayahay.

Saddex sarkaal oo ka tirsan shirkad dhisme ayaa loo xiray tuhun ah dil sababay taxadar la’aan oo la xiriira agab si sahlan dabka u qaban karay, oo ay ku jiraan balaastiga, kuwaas oo suuragal ka dhigay in dabku si dhaqso ah u faafo.

In ka badan 800 oo shaqaalaha dabdamiska ah ayaa ku sugan goobta oo isku dayaya inay wax ka qabtaan dabka ka kacay dhismaha weyn ee Wang Fuk – oo ay ku nool yihiin ilaa 4,600 oo qof.

Dadka qaar ayaa lagu soo waramayaa inay weli ku xayiran yihiin dhismayaasha, inkastoo aan taas la xaqiijin.

Dabka ayaa lagu qiimeeyay heerka shanaad oo ah heerka ugu daran Hong Kong.

Ilmo yar iyo haweenay da’ ah ayaa laga badbaadiyay hawlgal samatabixin ah oo xalay saqdii dhexe dhacay, sida ay sheegayaan warbaahinta maxalliga ah.

WARARKII KALE

Ilaalada Kacaanka Iran oo ku dhawaaqay weerarro ay ku beegsadeen saldhigyo Mareykanku leeyahay

Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegtay inay...

Kenya oo qirtay in dad loo karaantiilay cudurka Ebola

Wasiirka Caafimaadka Kenya, Aaden Barre Ducaale, ayaa markii ugu...

Cameroon iyo Gabon oo ku Baaqay in la soo Afjaro Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Dalalka Cameroon iyo Gabon ayaa ku baaqay in Midowga...

Baarlamaanka Turkiga oo Ansixiyay Kordhinta Joogitaanka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya

Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay mooshin uu soo gudbiyay Madaxweyne...

Booliska Itoobiya oo xiray 17 tuhmanayaal ah oo ku eedeysan tahriibinta dadka

Booliska dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa ku dhawaaqay...

Trump oo ku hanjabay inuu weerari doono xarumaha nukliyeerka ee dhulka hoostiisa ah

Maraykanka ayaa weerarro ku qaaday Iiraan habeenkii 11-aad oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles