RW Xamsa oo ku baaqay in la asaaso Sanduuqa Maalgashiga ee Daanta Koonfureed ee dunida

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa hadal-jeedintii furitaanka ka sameeyay Madasha Caalamiga ah ee MEdays ee ka qabsoontay dalka boqortooyada Marooko.

Ra’iisul Wasaarada ayaa khudbadiisa kusoo jeediyay abuurista Isbahaysi Baddeed oo u dhaxeeya Afrika iyo dalal dhaca Badweynta Atlantica oo ay Afrika hoggaaminayso, furitaanka marin ganacsi oo dhanka badda ah oo isku xira Bariga Afrika iyo dalka Morooko.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale ku baaqay in la asaaso Sanduuqa Maalgashiga ee Daanta Koonfureed ee dunida (Global South) iyo waliba in la yagleelo Madasha Garaadka Macmalka ah (AI) ee quseeya dhaqamada iyo afafka dalalka Koonfureed ee dunida.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo uu socdaalkiisa ku wehliyo wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa ka mid ah madaxda qarameed ee ka qeybgalaya Madasha MEdays ee sanadlaha ah oo ah tii 17-aad, kana soo qeybgalayeen ergo dunida inta badan ka socota.

Inta uu Marooko joogo ayuu Mudane Xamsa kulan doceedyo la yeelan doonaa madax kala duwan oo dunida ka socota, kuwaas oo uu kala hadlayo xoojinta xiriirada iskaashi iyo danaha Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles