Wednesday, April 15, 2026

Maxay ka wadahadleen MW Ciro iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka Africom?

War ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Somaliland, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa isna qasriga Madaxtooyada ku qaabilay General Dagvin Anderson, Taliyaha Guud ee Ciidammada Maraykanka ee (AFRICOM), Safiir ku-xigeenka Safaaradda Maraykanka, Ambassador Justin Davis iyo Wefti ballaadhan oo ay hoggaaminayeen oo booqasho rasmi ah ku tagay Somaliland.

Kulankan oo ahaa mid leh muhimmad istiraatijiyadeed oo culus, ayaa waxa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka, gaar ahaan dhinacyada amniga, xasilloonida gobolka, iyo ilaalinta danaha wadajirka ah ee ay labada dhinac ku leeyihiin Gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Madaxweynuhu waxa uu weftiga Maraykanka la wadaagay doorka ay Somaliland ku leedahay nabadgelyada, xasilloonida iyo adkaynta hannaanka dimuqraadiyadda ee gobolka, isaga oo xusay in Somaliland ay mudnaan gaar ah siiso ilaalinta amniga xuduudaheeda, la-dagaalanka kooxaha xagjirka ah, iyo amniga marin-biyoodka caalamiga ah ee Gacanka Cadmeed.

Taliyaha Ciidammada Maraykanka ee AFRICOM, Mr. Dagvin Anderson ayaa xusay in Somaliland ay ku taallo goob istiraatiiji ah oo muhiim u ah amniga guud ee Badda Cas iyo ka Gobolka Geeska Afrika, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhaw oo ay labada dhinac yeeshaan.

Sida oo kale, safiir ku-xigeenka dowladda Maraykanka, Mr. Justin Davis ayaa Somaliland ku bogaadiyey doorka muhiimka ah ee ay ka qaadato ilaalinta nabadda iyo xasilloonida gobolka, amniga badda, iyo sida ay Somaliland u leedahay awood ciidan oo nidaamsan iyo hannaan siyaasadeed oo xasiloon.

Safiir ku-xigeenka ayaa muujiyey in dawladda Maraykanku ay muhiim u aragto sii xoojinta wada-shaqaynta dhinacyada amniga, horumarinta hay’adaha amniga, iyo kobcinta xiriirka labada dhinac.

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay si buuxda ula shaqeyso Maraykanka, si loo adkeeyo amniga gobolka, lana xoojiyo ka hortagga khataraha sii kordhaya, gaar ahaan kuwa ka dhashay Hirdanka Quwadaha waaweyn ee marin-biyoodka Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas iyo dhaqdhaqaaqyada sii kordhaya ee kooxaha xasillooni darrada ka wada gobolka.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu muujiyey in ay jirto fursad ballaadhan oo u taalla labada dal, taasi oo ku saabsan xoojinta iskaashiga Difaaca, Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo adeegyada muhiimka u ah nolosha bulshada. Madaxweynuhu waxa uu Weftiga culus u caddeeyay in Somaliland ay tahay Saaxiib la isku hallayn karo oo Maraykanku leeyahay oo ku yaalla goobta ugu istiraatijisan Gobolka Geeska Afrika.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu xusay in Danaha Amni iyo kuwa Istiraatijiyadeed ee Maraykanku uu ku leeyahay Gobolka Bariga Afrika ay si dhab ah ugu jiraan Aqoonsiga Somaliland, maadaama buu yiri Somaliland ay leedahay nidaam dimuqraadiyadeed oo shaqeeya, ciidamo Qaran oo amnigeeda sugayay muddo ka badan 30 sano iyo goob muhiim u ah istiraatijiyadda Maraykanka ee ah xasilloonida mandaqadda.

Kulanka ayaa ku soo gebogeboobay is-afgarad buuxa oo ku saabsan in labada dhinac ay sii xoojiyaan iskaashiga amniga, kor u qaadaan hawlgallada istiraatiijiga ah, isla markaana ay ka wada shaqeeyaan ilaalinta xasilloonida Badda Cas iyo amniga guud ee Gobolka Geeska Afrika, si loo suurto geliyo hannaan ku dhisan dano-wadaag iyo iskaashi joogto ah oo midho dhal ah.

Waxaa xusid mudan in Weftigii ka socday Maraykanka ee ay hoggaaminayeen Taliyaha Guud ee Ciidammada Maraykanka (AFRICOM) Gen. Dagvin Anderson iyo Safiir ku-xigeen Justin Davis, markii ay dhammaysteen kulankii Madaxweynaha Somaliland ee Hargeysa, waxa loo kaxeeyey Madaarka, Dekadda Caalamiga ah ee Berbera iyo Magaalo Xeebeedka Berbera si ay u soo kormeeraan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Qatar oo beenisay inay Iran kala hadashay inay lacag ku bixiso joojinta weeraradeeda

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar, Majid Al-Ansari, ayaa...

Madaxweyne hore Farmaajo oo sheegay in dalku marxalad halis ah wajahayo

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa...

Netanyahu oo ka hadlay Marinka Hormuz ee xayiraaddu saarantahay

Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa'iil ay taageeri doonto...

Madaxweyne Cirro oo sheegay in dalal kale ay aqoonsan-doonaan Somaliland

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Israa’iil ay tahay dowladdii...

Muddo xileedka BFS oo maanta ku eg iyo mucaaradka oo abaabul bilaabaya

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee 11-aad ayaa maanta si rasmi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles