Tuesday, January 13, 2026

Ciidamada xoogga oo dagaal kula wareegay deegaanka Cowsweyne

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee Galgaduud (Macawiisleyda)  ayaa weerar qorsheysan ku qaaday, kana saaray maleeshiyaadka Al-Shabaab deegaanka Cowsweyne, kaasoo qiyaastii 50km u jira degmada Ceeldheer.

Howlgalkaan, oo dhacay maanta, 6 December 2025, ayaa ciidamadu si buuxda ula wareegeen saldhigii iyo kontoroolka muhiimka ahaa ee maleeshiyada Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaankaas.

Howlgalka waxaa hoggaaminayay Cabdulqaadir Cali Bugle, oo ka mid ah saraakiisha ciidamada deegaanka ee ku sugan degmada Ceeldheer.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in khasaare culus ay gaarsiiyeen maleeshiyaadkii Al-Shabaab, inkastoo tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca aan weli la shaacin. Hub iyo meydad ayaa la sheegay in goobta laga soo furtay.

Cowsweyne waa deegaan muhiim ah oo hoostaga degmada Ceeldheer, waxaana la wareegitaanka kontoroolkiisa uu qeyb ka yahay dadaallada socda ee lagu doonayo in maleeshiyada Al-Shabaab looga saaro gobolka Galgaduud.

Howlgalkaan ayaa qeyb ka ah howlgalo kale oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka wadaan gobollada dhexe ee dalka si ay u wiiqaan awoodda maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo bilihii u dambeeyay dib ula wareegay qeybo ka mid ah dhul ay horay uga qabsadeen.

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Wafdi Sare oo ka Socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood, Caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari

Wafdi heer wasiir ah oo ka socda Dowladda Federaalka...

DFS oo sheegtay in xubno ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay...

Jubbaland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka...

Somaliland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u diiday sheegasho ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles