Ciidamada xoogga oo dagaal kula wareegay deegaanka Cowsweyne

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee Galgaduud (Macawiisleyda)  ayaa weerar qorsheysan ku qaaday, kana saaray maleeshiyaadka Al-Shabaab deegaanka Cowsweyne, kaasoo qiyaastii 50km u jira degmada Ceeldheer.

Howlgalkaan, oo dhacay maanta, 6 December 2025, ayaa ciidamadu si buuxda ula wareegeen saldhigii iyo kontoroolka muhiimka ahaa ee maleeshiyada Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaankaas.

Howlgalka waxaa hoggaaminayay Cabdulqaadir Cali Bugle, oo ka mid ah saraakiisha ciidamada deegaanka ee ku sugan degmada Ceeldheer.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in khasaare culus ay gaarsiiyeen maleeshiyaadkii Al-Shabaab, inkastoo tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca aan weli la shaacin. Hub iyo meydad ayaa la sheegay in goobta laga soo furtay.

Cowsweyne waa deegaan muhiim ah oo hoostaga degmada Ceeldheer, waxaana la wareegitaanka kontoroolkiisa uu qeyb ka yahay dadaallada socda ee lagu doonayo in maleeshiyada Al-Shabaab looga saaro gobolka Galgaduud.

Howlgalkaan ayaa qeyb ka ah howlgalo kale oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka wadaan gobollada dhexe ee dalka si ay u wiiqaan awoodda maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo bilihii u dambeeyay dib ula wareegay qeybo ka mid ah dhul ay horay uga qabsadeen.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo dib u furtay Garoonka Doolow kadib labo sano oo xirnaa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u furtay Garoonka Diyaaradaha...

Laftagareen oo beeniyay xiriir uu la leeyahay Al-Shabaab

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan...

Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka KGS ee Baydhabo

Maxamed Isaaq Arbo, oo sida lagu sheegay war kasoo...

Iiraan oo si adag uga hadashay qorshaha qaarijinta wiilka Trump

Mohsen Rezaei, oo ah Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles