Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Axmed Jumca Al-Rumayti.

Kulanka ayaa looga hadlay adkeynta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga dhinacyada badan ee u dhaxeeya labada dal, gaar ahaan horumarinta iyo taageerada howlaha gargaarka bani’aadannimo, maadaama qeybo kamid ah dalka ay ka jiraan abaaro saameyn ku yeeshay nolosha ku dhawaad shan milyan oo qof.

Danjire Axmed ayaa dhankiisa xaqiijiyay sida dowladda Imaaraatka ay uga go’antahay arrimaha iskaashiga labada dal, markasta ay dowladdiisa u garabtaagantahay Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Imaaraadka taageerada sida mar walba u garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed. Waxaa Ra’iisulwasaaraha kulanka ku wehiyay Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo mas’uuliyiin kale oo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ah, iyada oo kulankan uu ku soo hagaagay xilli dowladda ay waddo dedaalo xooggan oo ay isugu xireyso hawlaha ka jawaabista abaaraha taagan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Dowladda Shiinaha oo ugu baaqday Israa’iil in ay joojiso arrin ay ka wado gudaha Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa ugu baaqay...

Mudanayaasha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee BJFS oo maanta cod...

Trump oo sheegay inay dhagaystaan wadahadalada madaxda Iran

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu awood...

Lugatoor oo ku baaqay in laga hortago doorashada ay ku dhawaaqday DFS

Madaxda sare ee Puntland ayaa ku baaqday in si...

Lafta gareen oo war ka soo saaray deegaanada ay qabsadeen ciidankiisa taageersan

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles