Wednesday, January 14, 2026

Weerar ka dhacay Suudaan

Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ah ayaa lagu weeraray magaalada Kalogi oo ka tirsan gobolka Koonfurta Kordofan ee dalka Suudaan, waxaana la sheegay in ay duqeysay xarun lagu xannaaneeyo carruurta, waxaana ku dhintay ugu yaraan 50 qof oo ay ku jiraan 33 carruur ah.

Ciidanka Gurmadka Degdegga ah (RSF) oo ah kooxda dagaalka sokeeye kula jirta ciidanka Sudan, ayaa lagu eedeeyay weerarkii Khamiista waxaana ku eedeeyay urur caafimaad, Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan iyo ciidanka.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay RSF.

RSF-ta ayaa dhankeeda ku eedeysay ciidanka in ay Jimcihii diyaarad aan duuliye lahayn ku garaaceen suuq, weerarkaas oo ka dhacay gobolka Darfur, iyo sidoo kalena ay weerareen bakhaar shidaal oo ku yaal xadka Adre ee xadka Chad.

Suudaan waxaa halakeeyay dagaal tan iyo bishii April 2023 markaas oo uu dagaal awoodeed ku dhex maray RSF iyo ciidanka, kuwaas oo hore xulafo u ahaa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Wafdi Sare oo ka Socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood, Caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari

Wafdi heer wasiir ah oo ka socda Dowladda Federaalka...

DFS oo sheegtay in xubno ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay...

Jubbaland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles