Xaaska Hoggaamiyaha Cusub ee Daacish oo si layaab leh ugu hadashay halka uu ku sugan Seeygeeda Cabdulqaadir Muumin

Warbaahinta Daily Mail ayaa warbixin ay baahisay ku sheegtay in Muna Abdule, xaaska hoggaamiyaha cusub ee Daacish Cabdulqaadir Muumin, ay markii ugu horreysay ka hadashay halka uu ku sugan yahay ninkeeda iyo xiriirka qoyskeeda.

Muna, oo ku nool dalka Britain isla markaana korineysa saddex carruur ah, ayaa Daily Mail u sheegtay in Muumin uu ka tegay iyada iyo carruurta iyaga oo da’ yar, ayna weli wax ogeysiis ah ka haysan meesha uu ku sugan yahay iyo waxa uu damacsan yahay. Waxay xustay in tan iyo maalintaas aysan arkin ama maqal isaga, isla markaana uu xiriir dhab ah la la’ yahay carruurta.

Wuu naga tagay… maxaan kale oo aan dhihi karaa? Ma arag 10 sano, mana maqal. Carruurtuna way og yihiin inuu jiro, laakiin xiriir lama laha,” ayay tiri Muna.

Waxay intaas ku dartay in ay aad ugu adkaatay inay sharaxaad ka siiso carruurteeda halka uu aabahood joogo iyo waxa uu ku hawlan yahay. Mar uu ku booqday Soomaaliya, Muumin ayaa u sheegay inuu is beddelay, balse Muna ayaa sheegtay in hadalkaasi aanu run aheyn, tan iyo markaasna aysan xiriir la yeelan.

Waraysigan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Cabdulqaadir Muumin uu weli ku dhuumaaleysanayo buuraha Cal Miskaad ee Puntland, halkaas oo ay socdaan howlgallo culus oo ay wadaan ciidamada Puntland iyo kuwa gaarka ah ee Mareykanka.

25-kii November, ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa weerarro ka fuliyay saldhigyo ISIS ay ku lahaayeen togga Baalade, iyadoo duqeymaha ay fuliyeen diyaaradaha MQ-9 Reaper lagu dilay sarkaal sare oo ISIS ka tirsan iyo illaa 15 dagaalame oo u kala dhashay Suuriya, Turkiga iyo Itoobiya.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro kooxda ISIS ee ku dhuumaaleysanaysa buuraleyda gobolka Bari, iyada oo Cabdulqaadir Muumin uu hoggaamiyahooda hadda yahay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles