Tuesday, February 24, 2026

Puntland oo sheegtay in xeebaha Eyl lagu qabtay doon siday waxyaabaha qarxa iyo raggii watay

Ciidamada Badda ee Puntland (PMPF) ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen doon siddey budooyin laga sameeyo walxaha qarxa, taas oo lagu qabtay xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay taliska PMPF ayaa lagu sheegay in howlgalkan uu ka dhacay kaddib kormeer iyo daba-gal ay ciidamada ka wadeen xeebaha Puntland, kadib markii la helay xog la xiriirta doon lagu tuhmayo inay waday agab sharci-darro ah.

Ciidamada ayaa sheegay in budooyinka la qabtay ay ka mid yihiin walxo loo adeegsado farsamaynta qaraxyada, kuwaas oo leh khatar iyo waxyeello ba’an haddii lagu guuleysto in la gaarsiiyo kooxo amni-darro ka shaqeeya. PMPF ayaa ku tilmaamay qabashada agabkan mid guul u ah dadaallada lagula dagaallamayo tahriibinta hubka iyo walxaha qarxa ee mara xeebaha Puntland.

Sidoo kale, taliska PMPF wuxuu xaqiijiyay in doonta ay saarnaayeen toddoba ruux, kuwaas oo labo ka mid ah ay u dhasheen dalka Yemen, halka shanta kalena ay yihiin muwaadiniin Soomaali ah. Dhammaan eedeysanayaasha ayaa hadda ku jira gacanta ciidamada, waxaana lagu wadaa in baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo.

Ciidamada PMPF ayaa xusay in howlgallada lagu xaqiijinayo amniga xeebaha Puntland ay sii socon doonaan, iyagoo uga digay shabakadaha ku lugta leh tahriibinta hubka iyo walxaha qarxa inaysan meel ammaan ah ka heli doonin deegaanada Puntland.

Dhanka kale, mas’uuliyiinta amniga Puntland ayaa ku celiyay sida ay uga go’an tahay ka hortagga khatar kasta oo amni oo ka iman karta badda, iyagoo xusay in la adkeyn doono la shaqeynta hay’adaha kale ee amniga si loo sugo nabadda iyo xasilloonida guud ee gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Axmed Madoobe oo tagay Muqdisho, kuna laabtay Kismaayo Kadib Burburka Wadahadalladii

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa maanta ka...

Golaha Mustaqbalka oo shaaciyay inuu burburay wadaxaajoodkii ay kula jireen MW Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay...

Mareykanka oo ku baaqay in heshiis ay gaaraan DF iyo mucaaradka

War ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa...

DFS oo cambaareysay dad lagu dilay Nigeria

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarro...

MW Xasan Sheekh oo ergo u dirsaday Mucaaradka

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ka mid...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles