Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo ku qabatay labo gaari oo siday ciidan ay dowladda Federaalka ka qoratay gobolka Mudug.
Ciidanka ayaa la sheegay in ay u socdeen dugsiga tababarka Xanan-buure ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay hore ugu sugnaayeen ciidamo ka tegay Puntland.
Labada gaari ayaa la sheegay in midkiiba ay saarnaayeen ku dhawaad 50 qof, waxaana wasirro iyo muuqaallo laga duubay lagu baahiyay baraha bulshada.
Puntland weli wax war ah oo rasmi ah kama saarin ciidanka iyo gaadiidka ay qabatay, balse waxaa ka filayaa in ay saacadaha soo socdo ka hadasho.


