Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayey Taliyaha Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TURKSOM, S/Gaas Sabahattin Kalkan.

Wafdiga waxaa ka mid ahaa Captain Dr. Haldun S. Çetinarslan, U-qaybsanaha Arrimaha Ciidamada iyo Ciidanka Badda Turkiga, oo soo gabagabeynaya muddadii shaqadiisa Soomaaliya, iyo Kornayl Dr. Mehmet Serhan Yıldız, U-qaybsanaha cusub ee Arrimaha Ciidanka Cirka Turkiga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan tababarka iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa bogaadiyey doorka Dugsiga TURKSOM ee tababarka iyo kor u qaadista xirfadaha ciidamada Soomaaliyeed, isagoo uga mahadceliyey Dowladda Turkiga garab-istaaggeeda joogtada ah ee dadaallada Soomaaliya ee dib-u-dhiska ciidanka iyo xaqiijinta amniga iyo xasilloonida dalka.

WARARKII KALE

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

Maraykanka oo Eritrea ka qaaday Cunaqabateyntii saarneed

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in cunaqabatayntii...

Madaxweynaha Masar iyo Madaxa CIA da amniga Soomaaliya iyo Masar oo taageero u muujisay Soomaaliya

Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al-Siisi, ayaa sheegay in dalkiisu...

Maraykanka oo muwaadiniinta uga digaya in ay u safraan Iiraan

Digniin ka soo baxday Mareegta online-ka ah ee Safaaradda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles