Booliska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay askariga dilay Wiil Bajaajle ah

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee saldhigga degmada Dayniile ayaa gacanta ku dhigay eedeysane S/le Cabdullaahi Axmed Geedi, kaas oo ku eedeysan dilka marxuum C/risaaq Abukar Maxamed, oo ahaa wade mooto bajaaj.

Dilka ayaa ka dhacay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegeen saraakiisha Booliska, eedeysanaha ayaa hadda ku jira gacanta laamaha amniga, waxaana socda baaritaan lagu ogaanayo faahfaahinta iyo sababaha ka dambeeyay falka dilka ah. Booliska ayaa sidoo kale xaqiijiyay in eedeysanaha loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh si sharciga loo waafajiyo.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xusay inay ka go’an tahay adkeynta amniga iyo la xisaabtanka cid kasta oo ku lug yeelata falalka lidka ku ah nabadgelyada shacabka, iyagoo bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga si loo xoojiyo amniga guud.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles