Sunday, July 26, 2026

Xubno ka socda Madasha Mucaaradka oo gaaray Kismaayo

Xubnihii ugu horreeyay ee Madasha Mucaaradka ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo, kuwaas oo hordhac u ah hoggaanka madasha ee haatan ku sugan magaalada Muqdisho.

Maalinta Khamiista ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu si rasmi ah uga furmo shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaas oo lagu gorfeeyn doono xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, doorashooyinka iyo jihada mustaqbalka ee Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Villa Soomaaliya si dhow ula socoto shirkaasi, maadaama uu xambaarsan yahay kulamo iyo go’aanno saameyn ku yeelan kara hannaanka siyaasadeed ee dalka.

Dhanka ammaanka, magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo wadooyinka waaweyn lagu arkayo ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland, kuwaas oo sugaya amniga wafuuda iyo martida shirka.

Beri ayaa la filayaa inay Kismaayo gaaraan wafuud culus oo isugu jira hoggaamiyeyaal hore iyo siyaasiyiin miisaan leh, waxaana ka mid ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaareyaashii hore Xasan Cali Kheyre iyo Maxamed Xuseen Rooble, iyo xubno kale oo muhiim ah.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa isna la filayaa inuu beri gaaro magaalada Kismaayo, si uu uga qeybgalo shirka la filayo in uu saameyn ballaaran ku yeesho jihada siyaasadda dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iiraan oo sheegtay inay iska difaaci doonto hanjabaadaha Maraykanka

Iiraan ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay difaacdo...

Dagaal beeleed ka dhacay deegaan ka tirsan  Sanaag

Dagaal beeleed ayaa maanta markale ka dhacay deegaanka Laashimo...

Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya oo soo bandhigtey waxqabadkeeda muddo 4 sano ah

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

MW Xasan Sheekh oo ku Wajahan Furimaha Dagaalka ee Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan...

Mareykanka oo Soomaaliya iyo Eritrea kala hadlaya Amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed

Dowladda Mareykanka ayaa billowday wada-hadallo ay la yeelaneyso Soomaaliya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles