Trump oo dalal kale ku daray liiska xayiraadda socdaalka

Madaxweyne Donald Trump ayaa kordhiyay xayiraadda dhanka socdaalka ee Mareykanka, isagoo ka mamnuucaya muwaadiniinta shan dal oo dheeri ah iyo dadka ku safraya dukumeentiyada ay bixiso maamulka Falastiin inay soo galaan Mareykanka.

Aqalka Cad ayaa sheegay in xannibaadahan looga dan leeyahay “in lagu ilaaliyo ammaanka Mareykanka” ayna dhaqan gelayaan 1-da Janaayo.

Xayiraadaha gelitaanka buuxa ayaa lagu soo rogi doonaa dadka ka soo jeeda Burkina Faso, Mali, Niger, Suudaanta Koofureed iyo Suuriya iyo sidoo kale dadka haysta baasaboorka maamulka Falastiin.

Maamulka ayaa sidoo kale Laos iyo Sierra Leone, oo horey loogu soo rogay xayiraado qeyb ah, ku daray liiska mamnuucida buuxda, waxaana ay xayiraad qeyb ah ku soo rogeen 15 dal oo kale, oo ay ku jiraan Nigeria, Tanzania iyo Zimbabwe.

Trump, oo adkeeyay xakameynta socdaalka tan iyo markii uu ku soo laabtay Aqalka Cad bishii Janaayo, ayaa sheegay in xayiraadda socdaalka ee la ballaariyay ay ahayd mid lama huraan ah sababtuna ay tahay waxa maamulkiisu uu ku tilmaamay guul darrooyinka baaritaanka iyo hubinta nidaamyada dibadda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles