Tuesday, July 14, 2026

Shirweynaha Golaha Mustaqbalka Mucaaradka Soomaaliya oo ka furmay Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee xarunta ku-meelgaarka ah ee Jubbaland ayaa maanta si rasmi ah looga furay Shirka Golaha Mustaqbalka Mucaaradka Soomaaliya, kaas oo uu marti-gelinayo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha siyaasadeed ee ugu muhiimsan dalka, gaar ahaan wax-ka-beddelkii lagu sameeyay Dastuurka Federaalka Soomaaliya oo muran xooggan dhaliyay, iyo sidoo kale nidaamka doorashooyinka ee la qorsheynayo sanadka 2026.

Shirka waxaa ka qeyb-galaya hoggaamiyeyaal siyaasadeed, xubno ka tirsan mucaaradka, waxgarad iyo mas’uuliyiin hore oo ka kala yimid gudaha iyo dibadda dalka, kuwaas oo ka arrinsanaya mustaqbalka siyaasadeed iyo badbaadinta midnimada iyo hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in uusan jirin khilaaf shaqsi ah oo isaga kala dhexeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
“Madaxweyne Xasan wax shaqsi ah iskuma hayno, cafis ayuuna iga yahay, keliya waxa aan u baahan nahay waa in aan dalka badbaadinno,” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Waxaa la filayaa in shirka, oo socon doona maalmo, ay ka soo baxaan go’aanno adag iyo qodobo siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashooyinka, dastuurka, iyo jihada siyaasadeed ee dalka, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara marxaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ee soo socota.

WARARKII KALE

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta gaaray magaalada Doha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta...

Shir Looga Hadlay Tayada iyo Horumarinta Biyaha Sifeysan oo Muqdisho Lagu Qabtay

Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Gobolka Banaadir, Ciise Maxamuud Guure,...

Trump oo ka laabtay lacagihii 20% ee uu kusoo rogay marinka Hormuz

Donald Trump ayaa ka sheegay bartiisa Truth Social inuu...

Ingiriiska oo Maraykanka kala hadlay Canshuuraha Marinka Hormuz

Xooghayaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska, Yvette Cooper, ayaa sheegtay inay...

DF oo sheegtay in xalay G/Hiiran lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay diyaarado dagaal...

DFS iyo Laba Garab oo Mucaaradka ka mid ah oo isku raacay Doorasho Toos ah

Wada-hadallada siyaasadeed ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa muujinaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles